Feyruska corona awgiis
Taageeradaada lacageed ee waxbarashada ee aad CSN-ta ka heleysid waad sii qaadan kartaa xitaa haddii iskoolku uu u xiranyahay feyruska corona awgiis. Waxaa intaas dheer in lacag dhaafki meesha laga saaray inta lagu jiro 2020. Waxaa xitaa jira xeerar badbaado oo loogu tala galay adigaaga deynka waxbarashada dib u soo celinaya, haddii dhaqaalahaaga ay wax saameeyeen oo ay kugu adagtahay in aad lacagta bixisid.
Table of contents
-
Sidan ayay raad ugu yeelanaysaa kaalmada iyo deynka aad ka hesho CSN
-
Haddii aad xanuunsatid ama u baahantihid in aad canug daryeeshid
-
Haddii natiijada waxbarashadaada ay wax saameynayaan
-
Haddii aad dakhli leedihid – lacag dhaafki meesha waa laga saaray inta lagu jiro 2020
-
Haddii billaabidda waxbarashada horay loo raro
-
Haddii aad waxbarashadaada joojisid ama hoos u dhigtid inti aad waxbaraneysay
-
Haddii aad tihid qof ajnabi ah ama xubin ka mid ah qoyskaagu ay shaqo la’aan noqoto
-
Haddii ay kugu adkaato in aad bixisid deynkaaga waxbarashada
-
Haddii aad qabtid deyn guri qalabeysasho oo ay kugu adagtahay in aad lacag bixisid
-
Macluumaad dheeraad ah
Sidan ayay raad ugu yeelanaysaa kaalmada iyo deynka aad ka hesho CSN
Haddii aad codsatay oo aad heshay go’aanka kaalmo dhaqaale iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho bilaabid oo iskoolkaagu ka dib xirmay iyadoo ay sabab u tahay faayraska koroona, markaasi waad waad sii qaadan kartaa lacagtaada waxbarasho iyo taageero waxbarasho bilaabid ee aad heshay go’aankeeda. Tani waxay khuseysaa xitaa haddii iskoolkan aanu kugu casuumi karin wax ah waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin iskoolka ama haddii ay bixin karaan waxbarasho iyadoo aan la joogin iskoolka oo ah wakhti nus ah oo keliya. Haddii aad samayso codsi cusub oo ah kaalmo iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho billaabid waxaad heli kartaa oo keliya kaalmada iyo deynka loogu talogalay wakhtiga iyo xawaaraha aad run ahaantii wax ku barato. Tani waxay tahay in aanad heli karin kaalmo dhaqaale iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho bilaabid haddii iskoolku uu horey u sheegay in ay joojiyeen waxbarashadan. Adigu xitaa ma heli kartid kaalmo dhaqaale iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho bilaabid ah wakhti buuxa haddii iskoolku horey u sheegay in waxbarashadan lagu bixin doonoo wakhti nus ah oo keliya.
Haddii aad xanuunsatid ama u baahantihid in aad canug daryeeshid
Wax ma dhigan kartid miyaa iyadoo ay sababtu tahay in aad xanuunsatihid? Ama waxaad u baahantahay in aad xannaaneysid canug xanuunsanaya ama aan daagis ama iskool aadi karin? Markaas waa muhiim in aad taas soo sheegtid.
Haddii natiijada waxbarashadaada ay wax saameynayaan
Marka soo socota ay aad codsaneysid kaalmo iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho billaabid waxaan koontarooli doonnaa inta dhibcood ay aad heshay. Haddii ay dhibcooyin maqanyihiin iyadoo ay ugu wacantahay in iskoolku uu waxbarashada bixin waayay inti uu socday faafitaanka cudurka corona, waan tixgelin doonaan taas. Laakin waxaad u baahantahay wax uun dukumiinti ah oo muujinaya wixi dhacay. Waxay waxaasi noqon karaan caddeyn uu iskoolku qoryay, e-mail iskoolka ka yimid ama macluumaad laga soo qaatay bogga macluumaadka ee iskoolka.
Haddii aad dakhli leedihid – lacag dhaafki meesha waa laga saaray inta lagu jiro 2020
Si ku meel gaar ah ayaa lacag dhaafki meesha lagaaga saaray adigaaga waxbaranaya inta lagu jiro 2020. Waxay taasi ka dhigantahay in dakhligaagu inta sanadkan lagu jiro uusan saameyn ku yeelaneyn inta kaalmo dhaqaale iyo deyn ah ee aad heleysid. Taasi xitaa waa ay khuseysaa dakhliga raasumaalka iyo hawlaha ganacsiga ee ku soo gelaya inta lagu jiro 2020.
Haddii billaabidda waxbarashada horay loo raro
Haddii aad codsatay oo heshay go’aanka kaalmo dhaqaale iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho bilaabid oo iskoolkaagu intaas ka dib dib u dhigo bilaabida waxbarasho, markaasi waad sii qaadan kartaa kaalmadaada dhaqaale iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho bilaabid ee aad heshay go’aankeeda. Tani waxay tahay in aad helayso kaalmo iyo deyn laga bilaabo taariikhda uu iskoolku bilaabmi lahaa.
Haddii aad samayso codsi cusub oo ah kaalmo iyo/ama deyn waxbarasho ama taageero waxbarasho billaabid oo iskoolku horey u sheegay in bilaabida waxbarasho dib loo dhigay, markaasi waxaad kaalmo iyo deyn heli kartaa ugu horeyn laga bilaabo taariikhda ay waxbarashadani run ahaantii bilaabmayso.
Haddii aad waxbarashadaada joojisid ama hoos u dhigtid inti aad waxbaraneysay
Haddii aad dooratid in aad joojisid waxbarashadaada waa muhiim in aad taas u soo sheegtid CSN-ta. Xaqu uma lihid in aad sii qaadati taageerada lacageed ee waxbarashada haddii iskoolku kuu soo jeediyo in aad waxbarashada distans ku qaadatid oo aad dooratid in aad waxbarashada iska joojisid. Waxbarasha joojinta waxaad ku soo sheegi kartaa Mina sidor ama adigoo e-mail soo diraya, nasoo wacaya ama warqad aad saxiixday soo diraya.
Sidoo kale waa in aad CSN-ta u soo sheegtaa haddii aad adigu dooratid in aad wax dhigatid in ka yar inta qorsheysan, tusaale ahaan waqtiga qaarkiis halkii aad waqti buuxa wax ka dhigan lahayd.
Haddii aad tihid qof ajnabi ah ama xubin ka mid ah qoyskaagu ay shaqo la’aan noqoto
Haddii aad taageero lacageed oo waxbarasho ku qaadatid in aad Iswiidhan ka shaqeysid ama shirkad ku leedihid, aadna shaqo la’aan noqotid, taas waad u sheegi kartaa CSN-ta. Waajibka soo sheegiddu xitaa wey ku khuseysaa adigaaga taageero lacageed oo waxbarasho ku qaata in tihid xubin ka tirsan qoyska qofka noocaas ah. Haddi qofka shaqo la’aanta noqda uu shaqadoon ahaan isla markiiba isaga qoryo Xafiiska shaqada xaq waad u sii lahaan kartaa taageero dhaqaale oo waxbarasho oo Iswiidhish ah.
Haddii ay kugu adkaato in aad bixisid deynkaaga waxbarashada
Haddii uu dakhligaagu hoos u dhacyo waxaad codsan kartaa in aad inti waqti ah bixisid in ka yara intii hore. Waxaad taas ku codsan kartaa Mina sidor gudeheeda. Markaas waa in dakhliga qiyaas ahaan ku soo geli doona sanadka aad meeshaas ku biixisaa, iyadoo taas ka duuleysa ayeyna CSN-tu eegi doontaa hoos u dhigidda inta aad bixineysid. Dabadeedna haddii sanadka gudihiisa uu dakhligaagu isbeddelyo waa muhiim in aad taas noo soo sheegtid.
Haddii aadan dakhli lahayn waxaad codsan kartaa in aad in yar bixisid iyadoo la tixgelinayo sababo gaar ah. Markaas e-mail noo soo dir oo noo sharrax xaaladdaada dhaqaale.
Haddii ay si ku meel gaar ah kuugu adkaato in aad lacag bixisid, hal bil ayaad horay u rari kartaa bixinta lacagta. Adiga ayaa taas ku sameyn kara Mina sidor. Haddii aad u baahantihid in aad horay u rartid wax hal bil ka badan waad nasoo wici kartaa markaas.
Haddii aad qabtid deyn guri qalabeysasho oo ay kugu adagtahay in aad lacag bixisid
Feyruska corona ma saameeyay dakhligaaga oo ma kugu adagtahay in aad bixisid deynka guri qalabeysashada? Markaas waxaad codsan kartaa in aad bixisid lacag intii hore ka yar ama in aadan waxba bixin (dib u dhis) intii sanad gudeheed ah. CSN la xiriir si aad wax dheeraad ah u ogaatid.
Macluumaad dheeraad ah
Macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan feyruska corona iyo CSN oo Iswiidhish ah
Macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan feyruska corona waxaa laga helaa barta intarneetka ee 1177.se