session uppdatera gms varning förnya
Vill du stanna kvar på sidan?
Du har varit inaktiv i en längre stund och kommer att bli utloggad om du inte väljer att stanna kvar på sidan.
Automatisk utloggning sker om cirka
Stanna kvar på sidan
Problem med nätverket
Inget internet. Kontrollera din nätverksanslutning.
Tillfälligt tekniskt fel

Dib u bixinta deynta waxbarashada

Haddii aad wax ku baratay Deynta waxbarashada (Studielån) ee ay bixiso Hay`adda Arrimaha Waxbarashada [CSN], waxaad bilaabaysa dib u bixinta deynta, markii aad hakad geliso ama aad waxbarashada Deqda/deynta waxbarashada [Studiemedel] ka qalin-jebiso. Nidaamku waa sidaas xitaa haddii shaqolaawe aad tahay, aad ku nooshahay Lacagta waalidiinta (föräldrapenning) ama dal dibadda ku yaallo u guurto. Halkaan ka aqriso warbixin ku saabsan dib u bixinta deynta iyo talaabada aad ka qaadi karto haddii dhibaato ay ka hayso dib u bixinta deynta.

Goormaa bilaabaa dib u bixinta deynta?

Haddii ay tahay markii ugu horeeysay ee aad qaadatay Deynta waxbarashada (Studielån), waxaad dib u bixinta deynta bilaabaysaa markii ay ka soo wareegato lex bilodd tan iyo markii aad qaadan jirtay taageero-dhaqaaleedka waxbarashada (Studiestöd).

Markii la gaaro xilliga dib u bixinta deynta, waxay Hay`Adda Arrimaha Waxbarashada [CSN] ku soo diraysaa warqad oo ku lifaaqan warqadda qorshaha dib u bixinta iyo kaarka lacagaha lagu bixiyo (inbetalningskort). Warqadaha waxaa lagu soo dirayaa markii sannad cusub u bilaawdo.

Berri hore ma qaadatay Deynta waxbarashada (Studielån) mana bilaawday dib u bixinta deynta? Xaaladaas dib u bixinta deynta waxaad bilaabaysaa durbadiiba kaddib markii laga joojiyo qaadashada Deqda/deynta waxbarashada [Studiemedel].

Immisa ayaan dib u bixinayaa?

Warqadda sannadka kasta lagu soo diro Wargelin-sannadeedka (årsbesked), taasoo sannad kasta bisha jannayo lagu soo diro waxaa ku qoran lacagta aad dib u bixin doonto iyo heerka korsaarka sannadka.

Lacagaha aad sannadka kasta dib u bixin doonto (årsbelopp) waa hadba:

  • inta aad amaahatay
  • heerka korsaarka
  • tayada/qiimaha oo ugu badnaantii ah boqolkiiba laba sannadkii
  • muddada dib u bixinta deynta ee aad amaahatay.

Sidee baa lacagaha dib loogu bixiyaa?

Siyaabo kala duwan ayaa lacagaha dib u bixin kartaa, sida tusaale adigoo adeegsada (autogiro), (e-faktura) ama kaarka lacagaha lagu bixiyo (inbetalningskort). Haddii aad ku sugan tahay dibadda, waxaad dib u bixinta deynta awgeed adeegsan kartaa kaararka lacagaha lagu bixiyo.

Autogiro – isku-xir bangiga internet ee aad akawntiga ku leedahay, lacagaha waxaa toos looga jarayaa akawntigaaga.

Qaansheegashada elektroonikada ah (E-faktura) - isku-xir bangiga internet ee aad akawntiga ku leedahay, kaddib markii aad guda gasho bangiga internet ayaa ansixi kartaa in la bixiyo qaansheegashada elektroonikada ah (E-faktura).

Kaarka lacagaha lagu bixiyo (inbetalningskort) – habka dib u bixinta deynta ee ugu fudud waxaa weeyaan adigoo isticmaala bangiga internet iyo warbixinta kaarka lacagaha lagu bixiyo (inbetalningskort) ku qoran.

Kaarka hantida ee lacagaha lagu bixiyo (Betalkort) - Haddii aad ku sugan tahay dibadda, waxaad dib u bixinta deynta awgeed adeegsan kartaa kaararka hantida ee lacagaha lagu bixiyo (Betalkort), kaasoo ku xiran kaararka (Visa) ama (Mastercard).

Muddada dib u bixinta deynta waa intee?

Muddada ugu dheer ee dib u bixinta deynta waa 25 sano. Deynta waa inaad gebi ahaan dib u bixisa kahor inta aad 64 sano buuxsan. Waxaa suurtaggal noqon korto gaabiska muddada dib u bixinta deynta, taasoo ah hadba da´daada iyo heerka deynta lagugu leeyahay. Warqadda wargelin-sannadeedka (årsbesked) ee lagu soo diray waxaad ka aqrisan kartaa muddada dib u bixinta deynta waxbarashada.

Immisa jeer ayaa deynta dib loo bixiyaa?

U beddelo lacag-bixinta bil kasta:

Caadi ahaan afar jeer sannadkii ayaa dib loo bixiyaa deymaha (febraayo, maajo, agoosto iyo nofeembar) laakin adigoo adeegsanayo (Mina sidor) ayaa wax ka beddeli kartaa bilaha dib u bixinta deynta.

Dhibaatada dib u bixinta deynta

Soo hormarso lacag-bixinta:

U beddelo inaad bil kasta lacagta bixiso:

Codso in inyar aad deynta kolba ba bixiso:

Adigoo adeegsanayo (Mina sidor) ayaa soo hormarsan kartaa lacag-bixinta hal bil ama u beddelan kartaa lacag-bixinta bil kasta.

Waxaad kaloo codsan kartaa in muddo aad daymaha inyar kolba ka bixiso. Waxaa loo yaqaanno (nedsättning). Tani waxay suurtaggal noqon kartaa haddii dakhligaaga u aad u hooseeyo ama ay jirto sabab gaar ah. Sababta gaar ah waxay noqon kartaa haddii aad ku nooshahay taageero-dhaqaaleed. Haddii lagu oggolaado (nedsättning) waxaa sare u kici doonaan lacagaha aad sannad kasta aayahay dambe bixin doonto.

Iyadoo sidaasi tahay haddii dhibaato ay ka haysato dib u bixinta deynta, fadlan khadka taleefanka nalaga soo xiriir, kaddib wadajir ayaan xal ugu heli doonaa xaaladda adiga ku gaar ah.

Nedsättning – in muddo inyar aad ka bixiso deynta (af-iswiidish ayaa ku qoran)

Haddii aad dib u bixinta deynta fulinin

Haddii aad dib u bixinta deynta fulinin qaab waafaqsan qorshha lacag-bixinta, waxaa dhici doono:

  • Waxaan ku soo diri doonaa warqad xusuusin ah, waxaan dib u bixinta deynta lagu biirinayaa kharashka xusuusinta oo ah 450 karoon.
  • Iyadoo lagu xusuusiyay dib u bixinta deynta haddii aadan weli bixin waxaa bil kaddib lagu soo dirayaa warqad xusuusin kale. Waxaana dib u bixinta deynta lagu biirinayaa kharashka xusuusinta oo ah 450 karoon.
  • Haddii xusuusinta labaad aadan tixgelin waxaa lagu soo dirayaa warqadda loo yaqaanno (kravbrev).
  • Tallaabo ka qaadka ugu dambayso waxaa weeyaan in arrinta aan ku wareejinno Hay`adda fulinta go`aamada sharciyeeysan [Kronofogden]. Xaaladaas waxaa lagu diiwangelinayaa inaad ku guuldarraysatay dib u bixinta dayamaha taasoo loo yaqaanno (betalningssanmärkning). Haddii aad dibada degan tahay waxaa arrinta loo soo diri doonaa shirkadda daymaha dabagasho (inkassoföretag).

Ku saabsan kharashka xusuusinta (af-iswiidish ayaa ku qoran)

Wax badan ama gebi ahaan iska bixi deynta waxbarashada

Sidii aad si dhaqsi badan deynta isaga bixiso Deynta waxbarashada (Studielån) wax badan ayaa kol kasta ka bixin kartaa. Sidoo kale waxaa suurtaggal ah inaad gebi ahaan iska bixiso deynta waxbarashada. Ku saabsan wax badan ka bixinta deynta la xiriir Hay`adda Arrimaha Waxbarashada [CSN].

Dib u soo celinta lacagaha (Återkrav) – haddii aad qaadatay

eqda/deynta waxbarashada [Studiemedel] oo aad xaq ku lahayn
Haddii Hay`adda Arrimaha Waxbarashada [CSN] ay lacag aadan xaq u lahayn ku siisay, waa inaad dib u soo celisaa lacagahaas. Xaaladaas waxaa lagu wargelinayaa Dib u soo celinta lacagaha (Återkrav). Sababta waxay noqon kartaa inaad waxbarashada ama koorso aad dhigan jirtay joojisay.

Haddii lagu wargeliyo Dib u soo celinta lacagaha (Återkrav) waa inaad lacagaha oo idil dib u soo celisaa. Wadajir warqadda go´aanka Dib u soo celinta lacagaha waxaa lagu soo diri doonaa kaarka lacagaha lagu bixiyo (inbetalningskort).

Tan kale waa inaad bixisaa korsaarka lacagaha aad qaadatay. Tan kale waa inaad bixisa kharashka arrinta lagu maamulay oo ah 100 karoon sannadkii.

Haddii dhibaato ay ka haysato dib u bixinta deynta, waxay Hay`adda Arrimaha Waxbarashada [CSN] xaaladaha qaarkood ku dejin kartaa qorshaha lacag-bixinta. Haddii aad u baahan tahay qorshaha lacag bixinta khadka taleefanka kala xiriir hay´adda.

Haddii dal dibadda ku yaallo u guurto

Haddii dal dibadda ku yaallo u guurto waa inaad sii wado dib u bixinta deynta qaab waafaqsan qorshaha lacag-bixinta ee adiga ku gaarka ah. Xaaladaas ha iloowin inaad (Mina sidor) ka cusboonisiiso faahfaahinta xiriirka. Haddii aad ku talo jirto inaad ku sugnaato dal dibada ku yaallo muddo ka badan hal sano waa inaad wargelisa Hay´adda arrimaha canshuurah (Skatteverket).

Muhimada ay leedahay faahfaahinta xiriirka ee saxda ah

Faahfaahinta xiriirka ee aadiga ku gaarka ee ku qoran (Mina sidor) in ay sax yihiin waa muhim, taasoo noo suuragelin doonto in aan kala soo xiriirno khadka taleefanka ama email. Xaaladaas waan kula soo xiriiri karnaa markii aad warbixin nooga baahan tahay. Guda-gal (Mina sidor) kaddib hubso in ay sax yihiin Faahfaahinta xiriirka halkaas ku qoran. Haddii aynan sax ahayn warbixin dheeraad ka aqriso bogga Flyttar eller byter adress (af-iswiidish ayaa ku qoran).

Updated: 2024-03-22
Did this page help you?