Ku cusub Swiidhan – loogu talogalay adigaaga qaxoontiga ah
Swiidhan waxay dooneysaa in dadka oo dhan ay fursad u helaan in ay wax bartaan si ay shaqo u heli karaan. Sidaas darteed in wax la barta wax lacag ah kuma fadhido. Waxaad xaq u yeelan kartaa in aad CSN ka heshid lacag kaalmo ah iyo mid deyn ah si ay kuugu fududaato in aad Swiidhan degtid waxna ku baratid.
Kaalmada lacageed iyo deynka xagga CSN-ta
Adigaaga qaxootiga ah ee doonaya in aad wax ku baratid Swiidhan waxaad xaq u yeelan kartaa in aad waxbarashadaada CSN uga heshid lacag kaalmo ah iyo mid deyn ah. Waxaa taas loogu yeeraa taageero waxbarasho. Taageerada waxbarashada waxaa loogu tala galay si kuwa waxbaranaya ay iskaga bixin karaan lacagta kirada, cuntada iyo in ay soo iibsan karaan waxyaabo kale oo loo baahanyahay inta waxbarashadu ay socoto.
Haddii aad qaxooti tihid waxaad sidoo kale xaq lahaan kartaa in aad CSN lacag ka deynsatid si aad alaab iyo qalab kale guriga ugu soo iibsatid. Waxaa taas loogu yeeraa deynka guri qalabeysashada.
Haddii aadan heysan leysin gaari wadid oo swiidhish ah waxaad xaq u yeelan kartaa in aad CSN lacag ka deynsatid si aad leysin gaari wadid u qaadatid. Waxaa taas loogu yeeraa deynka leysinka gaari wadidda.
Nuucyo kala duduwan oo taageero waxbarasho ah
Waxaa jira taageerooyin waxbarasho oo kala duduwan iyadoo ku xiran waxa aad baraneysid iyo da’da aad jirtid. Waa kuwan kuwa ugu muhiimsan:
Xaqa qaxooti ahaan loo leeyahay taageero waxbarasho oo swiidhish ah
Mararka ay xaaladdu sidan tahay ayaad caadi ahaan xaq u lahaan kartaa taageero waxbarasho oo swiidhish ah:
- Haddii Laanta socdaalku ay sharci degganaasho kugu siisay in aad qaxooti tihid ama si kale badbaado ugu baahantihid awgeed.
- Haddii laanta socdaalku ay sharci degganaasho kugu siisay xaalado si gaar ah loogu garaabi karo awgood.
- Haddii laansta socdaalku ay degganaasho kugu siisay si waafaqsan sharciga ku meelgaar ahaan u xaddidaya fursadaha ku aaddan in sharci degganaasho Swiidhan laga helo. Shariga degganaashada ee loogu tala galay u dhigashada dugsiga sare si waafaqsan xeerka dugsiyada sare ayaa tusaale ahaan sharci noocaasa ah.
- Haddii gurig-qoys laguugu meeleeyay ama xarun ay leedahay he’ad dowladeed (HVB-hem), xaq caadi ahaan waad u leedahay taageero waxbarasho oo swiidhish ah. Markaasna waa in aad
- Ka hooseysaa 20 sano
- Haysataa sharci degganaasho oo shaqeynaya
- Haysataa go’aan hey’ad dowladeed ka soo baxay oo muujinaya in meeshaas laguugu meeleeyay.
Sharciga degganaashadu waa in uu shaqeeyaa
Sharciga degganaashadu waa in uu yahay mid shaqeynaya, laakin wax micno ah mal aha haddii uu yahay mid joogto ah ama mid ku meel gaar ah. Xaqa loo leeyahay taageerada waxbarashadu waxay ugu horreyn shaqeynayaa laga billaabo usbuuca aad sharciga qaadatid.
Megengelyo doon
Haddii aad megengelyo doon tahay, abidkaana aadan Swiidhan ka heli sharci degganaasho xaq uma lihid taageero waxbarasho.
Deyn gaari wadid
Adigaaga shaqo la’aanta ah waxaad CSN ka deynsan kartaa lacag si aad ku qaadatid leysin gaari wadid oo swiidhish ah oo ah kan gawaarida yar-yar lagu wadan karo ee B. Marka leysin gaari wadid la haysto wey fududaan kartaa in shaqo la helo marka la barbar dhigo marka aan la haysan.
Si aad deynka xaq ugu yeelatid waa in aad shaqo la’aan tihid, una dhexeysid 18 iyo 47 sano. Taasi ma wada khuseyso dadka shaqo la’aanta ah, ee waa in aad buuxisaa shuruudo go’an. Ugu badnaan waxaad deynsan kartaa 15 000 oo koron. Deynka waa in aad gadaal dambe ka soo celisid, waana in aan taas sameysaa xitaa haddii aadan leysin qaadan.
Deynka guri qalabeysiga
Adigaaga ku jira qaabilaadda qaxootiga ee degmooyinka waxaad CSN ka deynsan kartaa lacag si aad alaab iyo qalab kale ugu soo iibsatid guriga. Waxay noqon kartaa sariirro, saxaman, digsiyo iyo kuraas. Laakin maaha tusaale ahaan cunto, warqadaha musqusha ama kirada guriga in aad u isticmaashid. Deynka waxaa loogu yeeraa deynka guri qalabeysashada.
Inta aad deynsan kartid waxay ku xirantahay inta uu qoyskaagu ka koobanyahay, waxa horbaba guriga kuu yaalla iyo inta lacag ah ee aad horbaba deynsatay.
Waxaad u baahantahay in deynka guri qalabeysiga aad dib usoo celisid ka dib marka aad Swiidhan muddo deganaatid. Waxaad lacag soo celinta billaabeysaa 2 sano ka bacdi laga billaabo maalinti lacagti ugu horreysay laguu soo shubay.
Wax dheeraad ah ka akhriso
Languages hoosteeda ayaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo luqaddaada ku qoran.