session uppdatera gms varning förnya
Vill du stanna kvar på sidan?
Du har varit inaktiv i en längre stund och kommer att bli utloggad om du inte väljer att stanna kvar på sidan.
Automatisk utloggning sker om cirka
Stanna kvar på sidan
Problem med nätverket
Inget internet. Kontrollera din nätverksanslutning.
Tillfälligt tekniskt fel

Ku cusub Swiidhan – loogu talogalay adigaaga qaxoontiga ah

Swiidhan waxay dooneysaa in dadka oo dhan ay fursad u helaan in ay wax bartaan si ay shaqo u heli karaan. Sidaas darteed in wax la barta wax lacag ah kuma fadhido. Waxaad xaq u yeelan kartaa in aad CSN ka heshid lacag kaalmo ah iyo mid deyn ah si ay kuugu fududaato in aad Swiidhan degtid waxna ku baratid.

Kaalmada lacageed iyo deynka xagga CSN-ta

Adigaaga qaxootiga ah ee doonaya in aad wax ku baratid Swiidhan waxaad xaq u yeelan kartaa in aad waxbarashadaada CSN uga heshid lacag kaalmo ah iyo mid deyn ah. Waxaa taas loogu yeeraa taageero waxbarasho. Taageerada waxbarashada waxaa loogu tala galay si kuwa waxbaranaya ay iskaga bixin karaan lacagta kirada, cuntada iyo in ay soo iibsan karaan waxyaabo kale oo loo baahanyahay inta waxbarashadu ay socoto.

Haddii aadan heysan leysin gaari wadid oo swiidhish ah waxaad xaq u yeelan kartaa in aad CSN lacag ka deynsatid si aad leysin gaari wadid u qaadatid. Waxaa taas loogu yeeraa deynka leysinka gaari wadidda.

Nuucyo kala duduwan oo taageero waxbarasho ah

Waxaa jira taageerooyin waxbarasho oo kala duduwan iyadoo ku xiran waxa aad baraneysid iyo da’da aad jirtid. Waa kuwan kuwa ugu muhiimsan:

Taageero waxbarasho oo loogu tala galay adigaaga dhigta dugsiga sare, jirana 20 sano ama ka yar

Haddii aad dhiganeysid dugsi sare waxaad heli kartaa caawimaad waxbarasho ilaa iyo xilli dugsiyeedka guga ee sanad aad 20 sano buuxineysid. Caawimaadda waxbarasho waxay ka koobantahay kaalmooyin kala duduwan, tusaale ahaan kaalmo waxbarasho iyo wax dheeraad ah oo leesugu daro. Waxa dheeraadka ah ee leesugu daro waa kaalmo aad codsan kartid haddii qoyskaaga dakhligiisu uu hooseeyo. Haddii aad tihid canug kaligiis waddanka yimid waa dakhligaaga waxa la xisaabinayo.

Kaalmo dhaqaale oo waxbarasho – kaalmo lacageed oo waxbarasho iyo mid deyn ah

Laga billaabo xilli dugsiyeedka deyrta ee sanadka aad buuxineysid 20 sano waxaad codsan kartaa kaalmo dhaqaale oo waxbarasho. Haddii aad dhiganeysid waxbarasho dugsi sare ka sarreysa, tusaale ahaan jaamacad, waxaad codsan kartaa kaalmo dhaqaale oo waxbarasho xitaa haddii aad 20 sano ka yartihid.

Kaalmada dhaqaaluhu waxay ka koobantahay kaalmo lacageed oo waxbarasho iyo mid deyn ah, laakin haddii aad dooneysid waxaad dooran kartaa kaalmada lacageed oo keliya. Haddii aad carruur leedihid waxaad heli kartaa kaalmo lacageed oo dheeraad ah. Waxaa loogu yeeraa kaalmo lacageed oo la isugu daro.

Sidan ayey deyn iska soo celintu u dheceysaa

Deynka waxbarashada waa in aad iska soo celisaa xitaa haddii aad Swiidhan ka guureysid. Deynka oo dhan hal mar iskuma dhiibeysid, ee CSN-tu waxay deyn bixinta ku kala qeybineysaa sanooyin fara badan. Inta lacag ah ee aad bixineysid, iyo in waqti ah ee aad ku bixineysid, waxay tusaale ahaan ku xirantahay inta aad deynsatay iyo inta dulsaarku uu gaarayo.

Kaalmo dhaqaale oo waxbarasho-billaabid – oo loogu tala galay adigaaga shaqo la’aanta ah

Kaalmada dhaqaalaha ee waxbarasho-billaabidda waxaa loogu tala galay adigaaga muddo dheer shaqo la’aanta ahaa ee u baahan in aad dhigatid waxbarasho hoose-dhexe- ama dugsi sare si aad shaqo u heshid. Waa kaalmo lacageed oo ugu badnaan 50 usbuuc aad qaadan kartid haddii aad waqti buuxa wax baraneysid.

Waa degmadaada cidda marka hore qiimeyneysa in aad codsan kartid taageerada waxbarasho-billaabidda. Waana meeshaas halka aad codsigaaga ku sameyneysid. Taageerada dhaqaalaha ee waxbarasho-billaabidda si toos ah loogama codsan karo CSN.

Xaq u yeelashada taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd] ee dalka Iswiidan

Xaaladaha hoos ku xusan waxaad caadi ahaan xaq ku leedahay qaadashada taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd] ee dalka Iswiidan:

  • Haddii Hay’adda Socdaalka [Migrationsverket] ay ruqsadda degenaanshada (sharciga) [uppehållstillstånd] ku siiso taasoo u sabab ahayd qaxooti ahaan, badbaado u baahde ahaan ama gaar ahaan xaaladaha murugada leh. Waxaad kaloo xaq ugu yeelan kartaa taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd], haddii ruqsadda degenaanshada (sharciga) lagugu siiyay sabab Hay’adda arrimaha waxbarashada ay kugu bardhigto qaxooti.
  • Haddii Hay’adda Socdaalka ay ruqsadda degenaanshada (sharciga) kugu siisay hab waafaqsan Sharciga dugsiyada sare ee cusub ama sharcigii kumeelgaarka ahaa ee berri hore hirgalay.
  • Haddii lagugu meeleeyay guryaha loo yaqaanno [familjehem] ama hay'ad dalka Iswiidan kugu meeleeysay goobaha loo yaqaanno [HVB-hem], waxaad caadi ahaan xaq ku leedahay qaadashada taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd] ee dalka Iswiidan. Xaaladdaas waa in da'daada aynan
    • ka waynayn 20 sano
    • haysato ruqsadda degenaanshada (sharciga) ansaxsan
    • aad hay'adda ka haysato caddayn in halkaas lagugu meeleeyay.
  • Haddii aad leedahay ama aad lahaan jirtay xilhaayeha xannaanadda, kaasoo hay'ad dalka Iswiidan ku magacawday, waxaad caadi ahaan xaq ku leedahay qaadashada taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd] ee dalka Iswiidan. Xaaladdaas waa in da'daada aynan
    • ka waynayn 20 sano
    • haysato ruqsadda degenaanshada (sharciga) ansaxsan.


Ruqsadda degenaanshada (sharciga) waa in caadi ahaan ay tahay mid ansaxsan

Sidii aad taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd] xaq ugu yeelan lahayd darteed waa in Ruqsadda degenaanshada (sharciga) aad haysato oona ansaxsan tahay. Xaq u yeelanshada taageero-dhaqaaleedka waxbarashada [studiestöd] wuxuu caadi ahaan hirgala laga bilaabo maalinta ruqsadda degenaanshada (sharciga) Hay’adda Socdaalka ku siiso.

Haddii uu sharcigu dhaco

Haddii uu sharcigaagu dhaco xitaa xaq waad u lahaan kartaa taageero waxbarasho. Waxay taasi shaqeyneysaa haddii inta uusan sharcigu kaa dhicin aad codsatay in laguu cusbooneysiiyo. Ha illoobin sidaas darteed in aad waqti fiican ka hor ka codsatid Laanta socdaalka in sharciga laguu dheereeyo!

Waxaa sidoo kale loo baahanyahay in codsiga cusub

  • Uu ku saleysanyahay isla wixi kii hore uu ku saleysnaa, ama
  • Uu khuseeyo oggolaasho cusub oo loogu tala galay in Swiidhan dugsi sare looga dhigto.
Haddii sharciga degganaashadu uu is beddelo

Haddii ay sharciga degganaashada wax iska beddelaan waxaa muhiim ah in aad CSN-ta la soo xiriirtid sida ugu dhakhsi badan ee suurta gal ah. Markaas waxaan koontarooli karnaa haddii taasi ay saameyneyso taageerada waxbarashada, waxaanna hubin doonnaa in lacag sax ah laguu soo shubo. Waxay taasi tusaale ahaan noqon kartaa in Laanta socdaalku ay diidday codsigaagi dheereynta sharciga degganaashada ama haddii ay sharci degganaasho kaala noqoto. Markaas waa in aad nala soo xiriirtaa oo aadna isbeddelka nagu soo wargelisaa.

Megengelyo doon

Haddii aad megengelyo doon tahay, abidkaana aadan Swiidhan ka heli sharci degganaasho xaq uma lihid taageero waxbarasho.

Wax dheeraad ah ka akhriso

Languages hoosteeda ayaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo luqaddaada ku qoran.

Updated: 2024-03-22
Did this page help you?